HomeCaalamkaDadaallo xabbad-joojin loogu raadinayo Dagaalka Gaza oo sii xoogeystay

Dadaallo xabbad-joojin loogu raadinayo Dagaalka Gaza oo sii xoogeystay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Waxaa shalay iyo xalay sii xoogeystay dadaallada caalamiga ah ee loogu jiro sidi loo heli lahaa xabad-joojin kale oo ka hirgasha Marinka Gaza, xilli ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha iyo dagaalka culus ee ay ka waddaan Gaza. Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in Xamaas ay dib u eegis ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa shalay iyo xalay sii xoogeystay dadaallada caalamiga ah ee loogu jiro sidi loo heli lahaa xabad-joojin kale oo ka hirgasha Marinka Gaza, xilli ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha iyo dagaalka culus ee ay ka waddaan Gaza.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in Xamaas ay dib u eegis ku sameyneyso qorshe loo soo bandhigay oo Gaza looga hirgelinayo xabbad-joojin lix todobaad ah. Soo jeedintaasi ayaa ka soo baxday wadahadallo maalmahan ka socday magaalada Paris oo xal loogu raadinayo qaboojinta dagaalka Isra’il iyo Xamaas.

- Advertisement -

Dhanka kale, waxaa kasii dareysa xaaladda bani’aadannimo eek a jirta Marinka Gaza, gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay hey’adaha gargaarka maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ay ka digeen in ay dadku qarka u saaranyihiin in ay macluul u baab’aan.

Agaasimaha xaaladahaha dag dagga ee Laanta Caafimaadka Adduunka Michael Ryan, ayaa sheegay in muddada ay wadahadallada ka socdaan magaalada Paris, ay dadka Gaza gaajo u dhimanayaan sababo la xiriira go’doonka ay Isra’il gelisay gargaarka bani’aadannimo ee gali jiray Gaza.

Wadahadaladda ka socda Paris ayaa waxaa hor-boodaya Qatar, Masar, Mareykanka iyo Faransiiska. Xabad-joojintan ayay Isra’il ku dalbatay in lagu sii daayo dhammaan laheystayaasha soo haray ee gacanta ugu jira Xamaas.

- Advertisement -

Halka Xamaas ay dhankeeda dalbaneyso, in loo soo daayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, sidoo kalana xabad-joojinta laga dhigo mid toos ah, Isra’ilna ay kala baxdo ciidankeeda guud ahaan Marinka Gaza.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts