Dad rayid ah oo la sheegay in lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobalka Sh/hosoe

Duqeyn Diyaaradeed oo dhawaan ka dhacday Deegaanka Laanta Buur oo 45 KM u jirta Muqdisho ayaa la sheegay in lagu dilay 4 qof oo rayid ah oo uu ku jiray Shaqaale ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Mid ka mid Ehelladda Marxuumintaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay mid ka mid ah Shaqaalaha Hormuud oo lagu magacaabi jirey C/qaair Nuur iyo 3 qof oo kale oo gaari ku marayey Deegaanka Laanta Buur ee Gobalka Sh/hoose.

C/llaahi Cali oo ay ilmo adeer ahaayeen Marxuumka C/qaadir Nuur  ayaa sheegay inay saddexda qof ku geeriyoodeen isla goobta ay Diyaaradda ku duqeysay, iyadoo Walaalkiisa, MAHAD Nuur  oo ka mid ah dadka lagu dilay Duqeyntaasi uu gebi ahaan wada gubtay.

Dhinaca kale, Qoraal E-mail oo ay Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM u direen Wakaalladda Wararka REUTERS waxay ku sheegteen inay Duqeyn ay qaadeen Axaddii la soo dhaafay ku dileen 3 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media