Dad qabay COVID-19 oo ku le’day Dab xoogan oo ka kacay Isbitaal

Dabka ayaa ka kacay sida saraakiisha caafimaadka sheegeen qeybta deg dega ee Isbitaalka Magaalada  Piatra Neamt halkaas oo ay ku jireen bukaano badan oo xaaladooda ay liidatay.

Irina Popa oo afhayeen u ah kooxaha gurmadka deg dega ee magaalada ayaa sheegtay in 7 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dabka, kuwaasi oo marka hore la isku dayay in la badbaadiyo, balse dabka ay ku dhaceen.

Irina Popa waxay tilmaantay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen bukaano karoona u jiifay marka laga reebo hal qof.

Dabka ayaa basbeeliyay labo qol oo ay ku jireen 16 bukaan oo xaalad deg deg ah ahaa kuwaas oo la liitay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo muddooyinkii dambe haayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media