Taliska Booliska Gobolka Bari ee dowlad Goboledka Puntlnad ayaa waxa ay sheegeen in tiro dad ah loo qabqabtay dad Oromo ah oo dhawaan lagu dilay Magalada Boosaaso.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari Puntland Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in kadib howlgal ay ka sameeyeen Magalada Boosaaso gacanta lagu dhigay dad looga shakisan yahay dilka 4 ka mid ah dadka u dhashay Qowmiyada Oromada ee ku sugan Boosaaso.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ay noqon doonaan kuwo si joogta ah looga sameeyo Xaafadaha Magalada Boosaaso.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Boosaaso ka dhacayay dilal qorsheysan,iyada oo shalay Gelinkii dambe lagu dilay Nin ka tirsanaa Guddiga iskaashatada Gaadiidleyda kaas oo lagu Magacaabi jiray Siciid Maxamed Maqadeeye.