Dad loo soo qab-qabtay dilkii loo geystay Taliyihii Booliska Magaalada Qardho

Ciidanka ammaanka Booliska Puntland ee Magaalada Qardho ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan oo lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay Taliyihii saldhiga Booliska Qardho ka sameeyay gudaha degmadaas.

Ciidamada ayaa inta uu socday howlgalka kusoo qabtay rag dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil habeen horey loo geystay Cumar Hiiraad Kaarun oo ahaa Taliyihii Saldhiga Booliska Qardho, kaasi oo la dilay xiligi uu howlgal ku jiray.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland Cabdi Saciid Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen afar ruux  oo dhallinyaro ah, isla markaana loo heysto dilka Taliye Cumar Hiiraad.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiyaha in baaritaano kala duwan ay ku wadaan ragga lasoo qabtay, isla markaana loo gudbiyay xabsiga Magaalada Qardho oo lagu xiray, isagoona sheegay Guddoomiye Cabdi Saciid in baarista kadib cadaalada la horgeyn doono.

Kooxo hubeysan oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya ayaa habeen horey weerar gadmo ah ku dilay Taliyihii saldhiga Booliska Magaalada Qardho Cumar Hiiraad Kaarun, xili uu howlgal ku jiray, waxaana xiligaas goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor