Dad lagu soo oogay falal Argagixiso oo surka looga jaray Sacuudiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in 37 Eedeysanayaal u dhashay Sacuudiga shalay lagu fuliyey xukun qoor-goyn ah, kadib, markii lagu helay inay ka dambeeyeen weeraro loo geystay Xarumaha Hya’addaha Ammaanka iyo inay dileen Saraakiil Amni.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Eedeysanayaashaasi lagu dilay magaallooyinka Maka Al-mukarama, Madiina Al-munawara iyo Goballadda Qasiim iyo Bariga ee dalkaasi

Tan iyo bilowgii sannadkan, ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dalka Sacuudiga, iyado osannadkii horena la dilay 149 qof.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media