Dad lagu la’yahay daadad ka dhashay Roobabkii ka da’ay Puntland

Kadib markii labadii maalin ee lasoo dhaafay roobab xoogan oo dabeylo watay ay ka da’een deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa roobabka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed.

Deegaanada uu roobka ka da’ay ayaa waxaa kamid ah degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, waxaana lagu soo waramayaa inay halkaas ku rogmadeen dad xoogan, kuwaasi oo ka dhashay roobabkii da’ay.

Dadka deegaanka Degmada Laasqoray oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in daadadka ku soo rogmaday degmadaas ay qaadeen laba ruux, kuwaasi oo weli la la’ay, isla markaana uu socdo baadi goob.

Sidoo kale daadadka ka dhashay roobabka ayaa gooyay waddooyinkii soo galayay iyo kuwa kabaxa Laasqoray, waxaan haatan degmadaas lagu soo waramayaa inay ku jirto xaalad Go’doon ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaar kamid ah dadka deegaanka ay guryihii ay deganaayeenay isaga baxeen, kadib markii ay buux dhaafiyeen biyaha Roobka.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa ku dhuftay roobab dabeylo watay, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka halkaas ku dhaqan, waxaana roobabka ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media