Dad ku waxyeeloobay duqeyn oo la keenay Magalada Muqdisho

Dadkaan ayaa Maanta waxaa la keenay Isbitaalka Madiina ee Magalada muqdisho,waxana la sheegay in ay ku dhaawacmeen duqeyn ay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose ka geysteen Ciidamada AMISOM.

Ilaa lix ruux ayaa la keenay isbitaalka oo ay Carruur ku jiraan kuwaas oo ku soo dhaawacmay duqeyntaas ay deegaanka gaanwurow oo qiyaastii 5km dhinaca bari kaga beegan ay ka geysteen Ciidamada AMISOM.

Dadka duqeyntaas oo aheyd weerar madaafiic ah ayaa dadka ku dhaawacmay,waxaa ka mid ah Wiil yar oo 4 Sanno jir ah,sidoo kale dhaawacyadaan marka laga reebo waxaa duqeyntaas ku geeriyooday ilaa Saddex ruux sida ay sheegeen Eheladooda.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha AMISOM weli kama hadlin duqeyntaas Ciidamada AMISOM ku waxyeeleeyeen dadka Shacabka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor