Dad ku hoobtay Duqeyn cusub oo Ciidamada Ruushka ka fuliyeen Magaalo ku taal Ukraine

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay, in ugu yaraan 23 ruux ay ku dhinteen in ka badan 100 kalana ku dhaawacmeen, duqeyn ay ciidamada Ruushka Khamiistii u geysteen magaalo ku taallo bartamaha Ukraine oo aad uga fog furumaha hore ee halka ay hadda dagaalladu ka socdaan.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay si ula kac ah u beegsanayaan, goobaha ay ku badanyihiin rayidka iyo meelaha aanan u dhaweyn saldhigyada millatari.

Saraakiisha ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray gujis uu Ruushka leeyahay oo yaalla Badda Madow uu Khamiisti burburiyay xarun caafimaad, xafiisyo, bakhaarro iyo guryo la daganyahay oo ku yaalla magaalada Vinnytsia oo 268 kilometers dhinaca koofurgalbeed kaga beegan caasimadda Kyiv.

Ruushka ayaa beeniyay in ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor