Dad ku geeriyooday Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Australia

4 qof ayaa ku geeriyootay, 3 kalena si xun ayey ugu dhaawacmeen, kadib, markii ay Labo Helicopter isku dhaceen xilli ay Hawada Dhexe duulayeen.

Shilkaasi oo ka dhacay meel ku dhow Barxadda Xeebta Golden Coast ee aadka u mashquulka badan bishan January ee Fasaxa xilliga Kulaylaha.

Mid ka mid ah Helicopter-ada ayaa shilka kadib si nabad ah ku degtay Bacaadka Xeebta,  balse firirka burburka ee Helikopterka kale ayaa ku daadsanaa Deegaankaasi.

Taliyaha Badbaadada Gaadiidka ee Australia, Angus Mitchell ayaa sheegay inuu soco baaritaanka waxa sababay Shilkaasi.

Adeega Ambalaaska ee Queenland waxay sheegeen inay goobta ka qaadeen 13 qof oo ku dhaawacmay Shilkaasi

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor