3 Waardiye iyo 29 Maxbuus ayaa lagu dilay gadood Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay Xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaalla Degmadda Valahdat oo 10-KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Dushanbe.
Wasaaradda Caddaalladda ee dalkaasi oo ku yaalla Bartamaha Qaaradda Aasiya ayaa sheegtay inuu gadoodkaasi bilowday saqdii dhexe ee xalay, iyadoo Maxaabiista Daacish-ta oo ku hubeysnaaa mindiyo ay dileen 3 ka mid ah Ilaaladdii Xabsiga iyo 5 Maxbuus oo la xirnaa.
Mid ka mid ah Abaabulayaasha Kacdoonka ka dhacay Xabsiga ayaa ahaa Bekhruz Gulmurod, kaasi oo aabihiisa horey ugu biiray Daacish sannadkii 2015-kii, laguna dilay gudaha dalka Syria.
Ciiddanka Ammaanka ee Xabsiga waxay dileen 24 ka mid ah Maxaabiista Maleeshiyadda Daacish ee gadoodka sameeysay, waxaana Xabsiga ku xiran 1,500 oo Maxbuus.