Dad ku dhintay weerar lagu qaaday Bas ay ku Safrayeen oo ku sii jeeday Magaalada Mandheera

Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dilay deegaanka Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya maanta oo Jimco ah.

Dilkan ayaa dhacay ka dib markii koox mintidiin ah ay weerareen Bas ay dadkani ku safrayeen.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalyahanno hubaysan ay weerareen gaariga Baska oo ku sii jeeday degmada Mandera.

Dableyda weerarka fulisay ayaa waxay goob joogayashu sheegeen in ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen dadka aan Soomaalida ahayn islamarkana dadka intiisa kale ay ka sooceen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media