Dad ku dhintay Duufaano xooggan oo ku dhuftay bartamaha iyo koonfurta Yurub

Duufaano xooggan oo ku dhuftay deegaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Yurub, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah.

Duufaanadaasi ayaa laga soo sheegay in ay ka dhaceen dalalka Talyaaniga , Austria iyo jasiiradda Corsica ee dalka Faransiiska.

Dabeylaha oo la tilmaamay in ay ku socdeen xawaare dhan 224 km saacaddii iyo roobab mahiigaan ayaa burburiyay kaamamka ku yaalla jasiiradda Corsica , halka magaalada Venice ee dalka Talyaaniga au gaarsiiyeen burbur.

Duufaannada ayaa daba socda kulayl iyo abaaro muddo bilooyin ah ka jiray inta badan qaaradda Yurub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor