Dad hor leh oo loo soo qabtay kufsiga iyo dilkii Xamdi Maxamed

Taliska Booliska dowladda Federaalka ayaa mar kale faah faahin ka bixiyay baarista kiiskii isugu jiray kufsiga iyo dilkii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loogu geystay Hotel lagu magacaabo Marwo oo ku yaalla degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka ayaa waxaa lagu sheegay in kiiska xamdi loo soo qabtay 11 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falkii dhacay, isla markaana weli ay socdaan baaritaano kale oo qoto-dheer leh.

Booliska ayaa sheegay in laamaha amniga  ay ku daba jiraan dad kale oo la xiriirinayo kiiska, waxaan Qoraalka Booliska lagu caddeeyay in laba eedeysane oo lagu tuhmayay falka ay sii deysay Maxkamadda awooda u leh, kadib markii lagu waayay dembi.

Ugu dambeyn Taliska Booliska ayaa Ehelada Marxuumad Xamdi u sheegay in baariska kiiska uu marayo heer wanaagsan, waxaana shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay gacan ka geystaan baariska kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo kufsi iyo dil la isugu daray.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Taliska Booliska dowladda kasoo baxay.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media