Dad dhigaayay Banaanbax looga horjeedo afgembi dhacay oo la dilay

Ciidamada amaanka ee Myanmar ayaa maanta oo Axad ah rasaas ku furay mudaharaadayaasha diiddan afgambiga ee ku bannaanbaxayay caasimadda ganacsiga ee Yangon, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, sida ay wariyeen warbaahinta gudaha iyo goobjoogayaal.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay banaanbaxayaasha iyo ciidamada amaanka oo iska hor imaad ku dhexmaray degmada Hlaing Tharyar ee magaalada.

Qiiq fara badan oo madow ah ayaa ka kacay aagga, waxaana wararku sheegayaan in laba warshadood oo halkaasi ku yaalla la gubay. Xarunta warbaahinta ee Irrawaddy ayaa sheegtay in saddex qof la dilay.

Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay meel kale oo ka mid ah waddankan ku yaalla koonfur-bari Asia, maalin ka dib markii ku-simaha hoggaamiyaha dawladda rayidka ah uu sheegay in maamulkiisu doonayo in ay dadka siiyaan xaq sharci ah oo ay isku difaacaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor