HomeWararDad badan oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Galmudug

Dad badan oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Galmudug

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas siweyn uu ugu faafay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya. Cudurka ayaa waxaa Caabudwaaq ugu geeriyooday in ka badan 40 qof oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaasi oo uu ku dhacay COVID-19, isla […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas siweyn uu ugu faafay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Cudurka ayaa waxaa Caabudwaaq ugu geeriyooday in ka badan 40 qof oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaasi oo uu ku dhacay COVID-19, isla markaana dadkaas qaarkood ay maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayeen.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa tilmaamay in Cudurka uu siweyn ugu faafay Magaalada Caabudwaaq, iyadoona saacadihii ugu dambeeyay ay halkaas 8 qof ugu geeriyoodeen, sidoo kalena ay jiraan dad uu weli haayo.

Dad ayaa ku warramay in Magaalada ay aad ugu yartay wacyi-gelinta loo jeedinayo dadka, isla markaana dadka deegaanka aysan muujineynin taxadar ku aadan Cudurka, uuna jiro isugu imaatinka bulshada.

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wada dadaalo kala duwan oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, waxaana Maamulka Galmudug uu xiray dhammaan goobaha Waxbarashada, si loo yareeyo faafida Cudurka.

- Advertisement -

Si kastaba Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa si darran ugu soo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka shaacisay boqolaal kiisas oo la diiwaan-geliyay iyo  dad badan oo u geeriyooday Cudurka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts