Dabley dhac u geystay dad Salaadda Subax ku soo tukaday Masjid ku yaalla Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley).

Dabley hubeysan oo wadatay mooto Bajaaj ayaa waxay Xilligii Salaadda Subax ee saakayto isbaaro u dhigteen dad ku soo tukaday Masjidka Akram oo ku yaalla Xaafadda Geed Jacayl ee Degmadda Wardhiigley ee magaalladdan Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka la baartay oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay ka argagaxeen dableyda dhaca u geysatay, iyadoo  dhacdadaasi ugub ku tahay Xaafadda Geed Jacayl,

Dableyda oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa si saf-mar u baartay dadka ka soo baxay Masjidka, iyagoo ka qaatay dhamaan Mobayladii ay wateen.

Dableyda ayaa la sheegay inay ku baxsadeen Bajaajka, kadib, markii ay dhaceen Tobaneeyo Mobayl oo ay wateen qaar ka mid ah Jameecadda ka soo baxday Masjidka.

Dhinaca kale, Maamulka Degmadda Warta Nbadda (Ex-Wardhiigley) weli kama hadlin Falkaasi, mana jirto Tallaabo lagu raadinayo Kooxihii dhaca Hubeysan ka geystay halkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor