Dab xoogan oo qabsaday Madbacad lagu farsameeyo Lacag badan

Arroortii hore ee saakayto ayaa waxaa uu dab qabsaday Dabaqa 3-aad ee Madbacadda Shirkadda Lacagaha farsamayso ee Suudan oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Guud ee Shirkadda Madbacadaha Lacagaha ee dalkaasi, Ismaaciil Alsaar ayaa waxaa uu sheegay inuu dabka ka kacay Dabaqa 3-aad oo ay ku yaalla Xafiisyada Maamulka iyo Kaydka Lacagaha ee Madbacadda, Laguna guuleystay in la damiyo dabka.

Waxaa uu intaasi ku daray inuu dabka kacay abaarihii 4-tii habeenimo (Ka hor Xilliga Salaada Subax), iyadoo ay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen inay dabka Damian Abaarihii 8-dii aroornimo ee saakayto.

Baaritaan ayaa socda oo lagu ogaanayo waxa sababay dabkaasi oo geystay khasaaro Qalab, iyadoo ay Wararka sheegayaan inuu dabka ka dhashay colaad dhanka Korantada.

Waxaa la sheegay inaysan waxba soo gaarin Bakhaarada lagu kaydiyo Lacagaha la daabacay. Kaydka Bakhaarada Shirkadda leh Madbacadaha Lacagaha lagu daabaco, waxaa Lacagaha lagu kaydinayo ka mid ah Balaayiin Shillinka Soomaaliya oo horey Dowladda Federalka loogu daabacay sanadkii 2018-dii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor