Dab Xoogan oo ka kacay Garoon diyaaradeed

Dab xoogan ayaa la sheegay inuu saakayto ka kacay gudaha Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Fimujiino ee caasimadda dalka Talyaaniga ee Rooma, iyadoo la hakiyey dhamaan Duullimaadyadii ka kici lahaa iyo kuwii ku soo wajahnaa Garoonkaasi mashquulka badan.

Rakaabkii iyo shaqaalihii Garoonka ayaa la sheegay in sababo dhinaca Ammaanka looga daad-gureeyey Garoonka gudihiisa iyo daafihiisa.

Dabkaasi oo la sheegay inuu ka dhashay cillad koronto, waxaana socda baaritaano dheeraad ah.

Dhinaca kale,  Shirkadda Diyaaradaha Dowladda Talyaaniga leedahay ee ALITAALIYA ayaa la sheegay inay hakisay dhamaan Duullimaadyadeeda ka kici jirey iyo kuwa ku soo degi jirey Garoonka Fumijiino, marka laga reebo Duullimaadyadda Gudaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media