Dab xoog leh oo ka kacay Warshad ku taalla Magaalada Garoowe

Dab xoogan ayaa dhowr daqiiqo kahor waxaa uu ka kacay Warshad soo saarta Isbuunyada oo ku taalla gudaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, kaasi oo weli socda.

Gurmadyo kala duwan oo lagu deminayo dabkaas oo ka kacay Warshadda Isbuunyada ee Tabaarak ayaa haatan socda, waxaana demintiisa ku howllan gaadiidka dab-demiska dowladda hoose iyo shacabka Magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay ku warrameen in dabka uu ka dhashay khasaaro hantiyadeed oo farabadan, isla markaana inta badan ay gubatay Warshadda oo ay leedahay Shirkadda Tabaarak.

Sidoo kale goobta ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Hoose ee Magaalada Garoowe iyo dadweyne farabadan oo ka qeyb qaadanaya deminta dabka kacay oo ahaa mid xoogan.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay baaxada uu lahaa dabka, waxaana Cirka isku shareertay Uuro madow oo Warshada ka baxeysa, taas oo laga arkayay inta badan xaafaddaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor