Dab xoog leh oo caawa qabsaday Suuqa Boocle ee magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Dab  xoog leh caawa ka kacay Suuqa Boocle.

Dabkan ayaa ku fiday suuqa qeybo la mida, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu damiyo iyagoo ay gaareen dab damisyo kala duwan.

Dadweyne fara badan iyo ganacsato ayaa ku qulqulaya suuqa iyadoo laga cabsi qabo inuu boob halkaasi ka dhaco, waxaana rasaas ridaya ciidamada ammaanka oo dadka ka celinaya suuqa.

Maanta ayaa dab noocan oo kale ah uu ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor