Dab Caawa ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi kaalin shidaal oo ku taalla uu ka kacay Dab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dabku uu ahaa mid xoogan,isla markaana uu kusii faafay goobo kale oo ku yaalla Magaaladaasi.

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa ku sugan dad farabadan,kuwaasi oo wada dadaalo lagu damiyo dabkaasi ka kacay Kaalinta lagu iibiyo Shidaalka ee ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Weli macada Khasaaraha uu geystay dabkaasi,maadama xili habeen ay tahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media