Gelinkii dambe ee Maanta waxaa Xaafado ka tirsan Magaalada Burco ka dhacay Dibadbax ballaaran oo ay dhigayeen qaar ka mid ah Ganacsatada yar yar iyo Shacabka Magaaladaas.
Dadkaan ayaa ka waxa ay sheegeen in ay Cadaaladd daro  ka tabanayaan maamulka dawlada hoose ee degmada Burco oo ay sheegeen in dhulkii ay ku ganacsan jireen laga iibiyay dad gaar ah.
Dadka banana baxayaasha ah ayaa taayaro ku gubayay wadooyinka dhexdooda ee Xaafada lagu Magacaabo buuhoodle oo ka tirsan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Maamulka Soomaaliland ayaa ugu dmbeyn soo dhexgalay banaanbxyasha iyaga oo kala eryay.
Hoos Ka Daaso Sawirrada