Daawo:-RW Kheyre oo Awaaamiir Adag dul dhigay Wasiirka Maaliyadda iyo Shaqaalaha Wasaaradaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Wasaaradda maaliyadda ku amray in kahortaga musuq maasuqa laga bilaabo Wasaaradda,Shaqaalaha kalena looga baahan yahay inay soo gudbiyeen.

Waxa uu sheegay in marnaba la aqbaleyn in Wasaaradda dhexdeeda uu laab laab iyo musuq maasuq ka jiro,waxaana uu Shaqaalaha Wasaradda ka codsaday hadii aysan ka bixi karin shaqada ay hayaan ay iska-soo wareejiyaan.

“Hadii aad og tahay in Wasaaradda dhexdeeda uu laab laab ka jiro u gudbi wasiir beyle ama aniga waxaan kuu balan qaadayaa inaan wax ka qaban doono,teeda kale hadii aad tahay Shaqaalaha Wasaaradda ee aad awoodi weyso Shaqada aad heyso fadlan wasiirka ku dheh meel kale i geey  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor