DAAWO:-Prof Jawaari “Doorasho qof iyo Cod ah ma dhici karto”

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021.

Isaga oo sii wareysi siiyay warbaahinta Dalsan Maxamed Sh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo America marka loo eego in madax laga noqdo ay aad u fududahay in Madax laga noqdo America, maadaama ay leeyihiin hay’addo shaqeynaya.

“Doorasho qof iyo Cod ah ma dhici karto,yaan laguugu sheekeeynin waxaan afgaanistaan ayay ka dhacday Ciraaq ayaan ku sameeynay Kulligood waa Kalaam Faaruq ah” ayuu yiri Prof Jawaari.

Waxaa kaloo intaas uu sii raacsiiyay hadalkiisa “Soomaaliya in Madax aad ka noqoto iyo America in aad madax ka noqoto, Ameerica ayaa fudud in aad madax ka noqoto”

Hoos ka Daawo qeyb kamid ah Wareysiga Prof Jawaari, isagoo dhammeystirana dhawaan kala soco Dalsan Tv.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media