Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii Bishaan waxaa lagu dilay Garaasha uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay,iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc.
Maanta ayaa Alle ha u naxariistee waxaa lagu Aasay Khabuuraha Barakaad ee Magalada Muqdisho,iyada oo boqolaal ruux ay ka qeyb galeen.
Warbixinta Warkaan Aaska waxaa diyaariyey Wariye Munasar Maxamed Cabdi.