HomeMaqalDaawo:-Madaxtooyada oo faah faahisay Shir deg deg ah uu Madaxweyne Farmaajo ka...

Daawo:-Madaxtooyada oo faah faahisay Shir deg deg ah uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Shalay Gelinkii dambe ayaa wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo waxa ay u ambabaxeen dalka turkiga halkaas oo lagu wado in Arbacada Berito ah uu ka furmo shirka Iskaashiga Wadamada Islaamka. Shirkaas ayaa ah mid deg deg ah kaas oo intiisa badan diirada lagu saari doono xaalada ku soo korortay Magaalada Barakeysan ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shalay Gelinkii dambe ayaa wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo waxa ay u ambabaxeen dalka turkiga halkaas oo lagu wado in Arbacada Berito ah uu ka furmo shirka Iskaashiga Wadamada Islaamka.

Shirkaas ayaa ah mid deg deg ah kaas oo intiisa badan diirada lagu saari doono xaalada ku soo korortay Magaalada Barakeysan ee Quddus.

- Advertisement -

Hadaba Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxmed Axmed ayaa Warbaahinta u faah faahiyay qodobada shirkaas looga hadli doono iyo ka qeybgalaka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.”

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

- Advertisement -

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Afhayeenka Madaxtooyada

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts