Daalibaan oo soo bandhigtay Lammaane Reer Galbeed ah oo u afduuban iyo carruur ay dhaleen.

Sarakaal Daalibaan ayaa xaqiijiyey inay Aaladda YouTube-ka soo dhigeen Muuqaal Video muujinaya Lamaane u kala dhashay Maraykanka iyo Kanada iyo labo cunug oo ay dhaleen muddadii afduubka loo haystay.

Video-ha ayaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay Labada Wiil ee ay dhaleen Joshu Boyle oo u dhashay Kanada iyo Xaaskiisa Kaytlan Koleman oo Maraykan Ah, waxayna codsatay in laga shaqeeyo sidii loo sii dayn lahaa.

Lammaanaha waxaa gudaha Afganistan laga afduubtay sannadkii 2012-kii,  waxaana la tuhunsan yahay inay u afduuban yihiin Shabakadda Xaqaani.

Kooxdaasi ayaa dalbanayso in marka hore la sii daayo Saddex Sarkaal oo uu ka mid yahay Siraajudiin Xaqaani.

 ©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor