Ururka Daalibaan waxay sheegeen inay Bandow ku soo rogeen magaalladda Khost ee K/bari ee dalkaasi, si looga hortago Dibadbaxyo iyo Amar diido iyaga ka dhanka ah.
Magaalladda Khost waxay ka mid tahay dhowrka Degmo ee ay dadka Deegaanka isku dayeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Daalibaan, iyagoo ruxayey Calanka Qaranka Afganistan.
Ciiddanka Daalibaan ayaa wada xiray magaalladda Khost, iyadoo dhamaan dhaqdhaqaaqyada la mamnuucay.
Waxayna sheegeen in Ujeedada Bandowga tahay sidii looga hortegi lahaa Rabshadaha horseedi kara Bililiqada.
Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Kooxda Daalibaan ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen 3 qof oo ku sugnaa Caasimadda Gobalka Kunaar ee Asadabaad ee dalka Afganistan, kuwaasi oo watay Gaari uu ka dul babanayey Calanka dalka Afganistan.