Daacish-ta Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka Itoobiya u wareegeyso

Muuqaal ay baahisay kooxda la magac baxday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa lagu sheegay inay qorsheyneyso in ay u wareegato dhinaca dalka Itoobiya.

Muuqaalkan oo socday muddo saddex daqiiqo ah, islamarkaana ay baahisay kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa ku baxayey Afka Amxaariga.

Daacish ayaa dooneyso in ay ka faa’iideysato deganaansho la’aanta ka dhalatay qowmiyadaha is diiddan ee dalkaasi, sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Geeska Africa.

Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dhulka Buuraleyda ee Puntland ayaa horay u soo bandhigtay dagaalyahanno Itoobiyaan ahaa oo ku dhintay dagaallada ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh Cabduqaadir Cali Muumin, waxaana ka barbar dagaalama dagaalyahanno badan isugu jira Soomaali iyo Ajaaaniib intaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media