Kooxda Daacish-ta Somalia ee u dustay Waqooyiga Somalia waxay bilaabeen inay qortaan Maleeshiyo cusub, xilli ay Duqeymaha Diyaaradaha Maraykanka ay weli sii socdaan.
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa shegay inay daraasad cusub muujinayso inay Kooxda Daacish-ta Somalia ay sii xoogeysanayaan, si ay u helaan cudud ku filan ee goobaha dagaalka.
Tan iyo bishii April ee la soo dhaafay, Taliska AFRICOM waxay qaadeen 8 duqeymo dhanka Cirka oo lala beegsaday Daacish-ta Somalia kaga sugan yihiin Buuraha Golis ee Waqooyiga Somalia, iyadoo lagu dilay 20 Maleeshiyo oo uu ku jiray Taliye-xigeenkii 2-aad ee Taliska Guud ee Kooxdaasi.
Xeeldheerayaasha Ammaanka waxay horey tirada guud ee Ciiddanka Daacish-ta Somalia ku qiyaaseen 100 ilaa 200 oo Maleeshiyo, balse, Saraakiisha Milliteriga waxay haatan sheegayaan in laga yaabo inay Kooxdu aad u ballaaran tahay.
Afhayeenadda Hawlgalka AFRICOM, Samantha Reho waxay sheegtay inay tiradoodu gaarayso ilaa 300 oo Maleeshiyo, kuwaasi oo badankooda ka hawlgala Waqooyiga Puntland, oo ay ula jeedo Gobalka W/bari ee Somalia.
Shabakadda Wararka ee stripes.com waxay qortay inay Kooxda Daacishta Somalia aad uga yar yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab oo iyagu dagaal muddo dheer socda kula jirta Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM, waa sida hadalka loo dhigay.
Dhinaca kale, Taliska AFRICOM waxay sheegtay inay Daacish-ta Somalia awoodi karto tallaabo ay xiriir kula yeeshaan Hoggaamiyayaasha muhiimka, si ay uga faa’idaan cadaadiska iyo qorista xubno ku soo biira Kooxdaasi.
Inkastoo ay Daacish-ta Somalia weli leedahay Ciiddan yar , haddana guulaha ay ka gaareen inay Maleeshiyo cusub qortaan u ekaan karaan inay ka ballaaran tahay Daacish-ta Galbeedka Afrika ee ka hawlgasha gudaha dalka Nigeria iyo Xuduudka Gobalka Harrada dalka Chad.