Cumar Filish oo dhagax dhigay dib u dhiska Buundooyin ku yaalla Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis lagu sameenayo Buundooyinka ku yaala Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Dhagax dhigaan oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga My Bank ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Bangiga My Bank.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay aad usoo dhaweenayaan cid weliba oo ka qeyb-qaadaneysa Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska, waxaana uu boggaadiyay dadaalka ee ku bixinayaan dhismaha Buundooyinka Mara Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.
Ugu danbeyn Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa kula dar-daarmay Shacabka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib-u-dhiska lagu sameenayo si loo wada ilaashado waxyaabaha danta guud ee ummuada ka wada dhaxeyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor