Sarkaalka Dowladda Mareykanka ugu sareeya dhanka cudurada faafa, Dr Anthony Fauci ayaa sharci dajiyeyaasha dalkaas u sheegy in dalka Mareykanka uu haatan markale wajahayo “sare u kac horleh” oo la xiriira feyraska corona, kaas oo laga soo sheegayo qaar kamid ah gobolada Mareykanka.
Khubarro caafimmaad oo uu kamid yahay Dr Anthony Fauci, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay noqon doonaan maalma adag oo ay tahay in wax laga qabto faafidda cusub ee xanuunka.
Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa lagu soo warramayaa in markale ay sare u kaceen tirada kiisaska corona. Khubarradan caafimmaad ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan Madaxweynaha Mareykanka kala hadlin in uu yareeyo tirada dadka laga baarayo xanuunka.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii madaweyne Trump uu meel fagaara ah ka sheegay in saraakiisha caafimmaadka uu ku amray in aysan baaritaano badan sameynin, si hoos loogu dhigo tirada dadka uu xanuunka ku dhacayo ee maalin walba lasoo sheegayo.
Brett Giroir, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda caafimmaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay xanuunka ka baaraan 40 iyo 50 milyan oo qof bishii ba.