Cudurka Corona oo la shaaciyay inuu yahay Musiibo Caalami ah

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo Caalami ah.

WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan, iasagoo hadda ku fiday inta badan dalalka caalamka.

Guud ahaan tirada dadka Caalamka ugu geeriyooday Caabuqaasi waxay kor u dhaaftay 4,000 oo qof, iyadoo in ka badan 114,000 oo kalena laga helay Fayriska Caabuqaasi.

Shabakadda Wararka ee Worldmeter ee ururisa Kiisaska cusub ee Koronafayriska waxay sheegtay inuu caabuqaasi ku faafay in ka badan 115 Waddan.

Dalka Koonfurta Kuurya waxaa caabuqaasi laga helay 7,513 qof, Dalka Talyaaniga 9,172 qof, Iran 7,161 qof, Japan 530 qof, Faransiiska 1,412 qof, Maraykanka 729 qof iyo Britain oo Caabuqaasi laga helay 321 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media