Cudurka aan la aqoon ee ka dilaacay Shiinaha oo khal-khal geliyay Caalamka

Magaalo labaad oo ku taalla waddanka Shiinaha ayaa go’doon la galiyay ka dib markii uu gaaray cudur garanwaa ah oo ka dillaacay dalkaas, kaasoo la isku dayayo in la xakameeyo.

Cudurkan cusub ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha 17 ruux, wuxuuna abuuray cabsi badan oo dunida ku faaftay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan – oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaagiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.

Tallaabooyin noocaas ah ayaa hadda laga hirgalinayaa magaalada u dhow Wuhan ee lagu magacaabo Huanggang, oo ay ku nool yihiin in ka badan 7 malyan oo qof.

Waxaa la xaqiijiyay in ka badan 500 oo kiis oo cudurkaas ah, wuxuuna kusii fiday dalal ka baxsan Shiinaha.

Cudur-sidahan oo lagu magacaabay “coronavirus” ayaa la aaminsan yahay inuu markii ugu horreysay ka dillaacay suuqa magaalada Wuhan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in suuqa iyo agagaarkiisa ay ahayd meel aad u ur badan, oo uu ku tilmaamay “sida adduunyo gaddoon”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media