Dowladda Hindiya ayaa waxaay soo saartay warbixiinta maalinlaha ah ee xanuunka Coronavirus 24 saac ee ugu danbeysay iyadoo lagu sheegay in ay gaarso inka badan 300,000 kiis oo cusub in laga helay dalka oo dhan.
Adeegayada caafimaadka ayaa la sheegaya in u gabaabsi ka yahay goobah caafimaadka dalkaasi,waxaa sare u kacay heerka dhimashada dadka xanuunka u soo ritay markii labada ee u kusoo laba kacleyay Covid-19,warbixiin ay soo saartay wasaaradda caaafimadka ayaa lagu sheegay in la helay 314,835 xaaladood khamiistay ah maantay ah.
Xanaankan ayaa waxaa u dhintay dad gaaraya 2,104 khamiisti maanta ah, dadka ka soo kabsaday xanaanka COVID-19 ayaa gaaray 184,657.
Guud ahaan dalka Hindiya ayaa kiisaska laga helay waxaa ay gaarayaan 15.93 milyan tanyo markii u bilowaday xanaankan Covid-19.
Isbitaalada ku yaalah waqooyiga iyo galbeedka Hindiya oo ay caasimada New Delhi ay ku jirto ayaa soo saaray baaqayo ka dhanaha Ogsijiin ka oo ay shegeen in aysan haysan hawo bixiiyayaal ku filan.
Sidaa laga soo xigtay xogta lagu keydiyay dhanka Internet-ka xukuumadda Delhi ayaa sheegtay in saddex meelood labo goobah caafimaadka aysan heli Karin Sariiro lagu baxnaaniyo bukaannada qaba xanuunka,dhakhaatiirta ayaa kula taliyay bukaannada in ay guryahooda joogaan.
Ugu yaran 24bukaanno qabay Covid-19 ayaa ku dhintay gobolka Maharashtra kadib markii loo wayay hawo bixiiyayaasha oo ay ka dhammaadeen iyo daawada looga hortago xanuunka Covid-19 oo aan laga heleyn goobah qaar dalka Hindiya.