Hoggaamiyaha Isbahaysiga Isbedelka iyo Dimuqraadiyadda dalka Kenyac (CORD), Raila Odinga ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan ay la yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry kula yeesheen Hotelka Serena ee magaalladda Nairobi.
Raila Odinga oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday Kenya ayaa ka codsaday John Kerry inuu taageero ka geysto sidii Ciiddanka Kenya looga soo saari lahaa gudaha dalka Somalia.
Kulankaasi oo ay Raila Odinga ku wehliyeen Ku-xigeenadiisa, Kalonza Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa u sheegay John Kerry in la yareeyo tiradda ciiddanka Kenya ka jooga Somalia, waxayna sheegeen haddii Tiradooda la yareeyo inay yaraan doonto tiradda weeraradda Alshabaab ka geystaan gudaha dalka Kenya.
Kalonza Musyoka oo Suxufiyiinta la hadlay Shirkaas kadib, ayaa sheegay inay John Kerry ka codsadeen inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta kala hadlo qorshe horseedi kara in Ciiddanka Kenya laga soo daad-gureeyo gudaha dalka Somalia.
Dhinaca kale, Isbahaysiga Jubilee ee Dowladda Kenya ayaa ka biyo-diidsan in Ciiddanka laga soo saaro Somalia, iyagoo sheegay inay tallaabadaasi guul u noqonayso Xarakadda Alshabaab oo keliya.