HomeWararCodbixinta doorashada dalka Kenya oo billaabatay

Codbixinta doorashada dalka Kenya oo billaabatay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday codbixinta doorashada guud iyadoo ay dadka ku jiraan safaf dhaadheer. Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo. In ka badan 19 milyan oo qof ayaa u diwanagalsan codbixinta maanta. Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday codbixinta doorashada guud iyadoo ay dadka ku jiraan safaf dhaadheer.

Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo.

- Advertisement -

In ka badan 19 milyan oo qof ayaa u diwanagalsan codbixinta maanta.
Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

- Advertisement -

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Haddii la waayo musharrax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,waxana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhhwaaqaan natiijada madaxwaynanimada.

Hadba sida uu u guuleysto hannaanka codeynta ee computer-da ee guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddaha (IEBC) ayaa muhiim u ah in loo arko doorashadan in ay ku dhacday si xor iyo caddaalad ah. Haddii hannaankan uu guuldaraysto sidii dhacday 2013, waxa codadka lagu tirin doonaa gacanta, taasina waxay wadanka u horkici doontaa si aan shaki ku jirin in qofka laga adkaado uu dood ka keeno natiijada.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts