Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali oo ah Wasiirka Ganacsiga ee Maamulka K/Galbeed ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Radio Dalsan, wuxuuna xusay in Murashax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo yahay Murashax taageero badan ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed.
“Ma aha xilligan waqtigii Murashaxaasi loo dooran lahaa Madaxweyne, waayo Xildhibaano ayaa wax dooranayo ee Shacabka ma laha Cod ay wax ku doortaan” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.
Siyaasigu waxa uu saadaaliyey inuusan Murashax Farmaajo ku soo bixi doonin Doorashadda Madaxtinimadda ee la filayo inay dhacdo dabayaaqadda bishan January ama bilowga bisha soo socota ee February.
Wasiirka Ganacsiga ee Maamulka K/Galbeed, C/llaahi Sheekh Xasan Cali waxa kale oo uu tilmaamay in rajada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu soo dooran karo inay aad u kooban tahay, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Murashax Xasan Sheekh Maxamed ku fashilmay Xilligiisa Koowaad ee Madaxtinimadda, isla markaana aan laga filan karin haddii la doorto inuu wax kale qaban doono.
Laakiin, Madaxweyne Xasan ayaa horey ugu baaqay Xildhibaanadda inay Codkooda ku taageeraan, si uu u dhamaystiro wixii qabyadda ka noqday muddadii uu Madaxweynaha ahaa.
Dhinaca kale, Cod-ururin lagu baahiyey Barta Twitter-ka ee Radio Dalsan, waxaa Kaalimaha hore ku jira Afar Murashax oo u kala horreeya sidatan:-
- Murashax Maxamed C/lalahi Farmaajo oo helay 47-cod
- Murashax Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 23-cod
- Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay 22-cod
- Murashax Cumar C/rashiid oo helay 5-cod.
Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 20-Murashax ayaa isku diiwaan gelisay Tartankaasi oo noqon doona Loolankii ugu adkaa ee abid ka dhaca dalkeenna, oo ay horey u soo mareen 9-Madaxweyne.
©Radio Dalsan