HomeCaalamkaCiyaar-yahan u dhashay New Zealand hooyadiisa iyo saaxiibkiis oo wada qaatay Diinta...

Ciyaar-yahan u dhashay New Zealand hooyadiisa iyo saaxiibkiis oo wada qaatay Diinta Islaamka

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madasha Antaaliya ka Jeediyay Farriin Miisaan Leh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga uga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antaaliya, halkaas oo uu kaga hadlay muhiimadda wada-hadalka iyo iskaashiga caalamiga ah. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha,

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Ciyaaryahanka  Muslimka ee  Sonny Bill Williams oo ah Xiddig ciyaarta Kubadda Rugby ama Nidaamka Ciyaarta K/Cagta ee Maraykanka, oo ay wehliyaan Hooyadiisa iyo saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Offa Tuungafasi ayaa qaatay Diinta Islaamka.

John Fontain oo horey u soo Islaamay, ahna saaxiibka Sonny Bill Williams waxa uu Bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal  muujinaya qoyska soo islaamay.

“Allahu Akbar. Maanta waxaa soo islaamay Sonny Bill Williams, hooyadiisa iyo saaxiibkiisa kooxda ee Offa Tuungafasi oo oggolaaday Islaamka” ayuu bartiisa Faceboog-ga soo dhigay John Fontain.

John Fontain waxa kale oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Sawirka Munaasabadda Masjidka ee Ash-haadada  (Shahaadada) loogu qabtay Ciyaar-yahanka Sonny Bill Williams ee 33-jirka ah, Hooyadiisa, Lee Williams iyo saxaiibkiisa Offa Tuungafasi maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.

Sonny Bill Williams waxa uu sawirka isaga iyo hooyadiisa iyo walaalkiisa ku so oshare-gareeyey bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku soo qoray Oraahda “Maama, Alxamdu lilaah”.

Sonny Bill Williams waxa isaga la sheegay inuu soo Islaamay sannadkii 2009-kii, xilligaasi oo uu u ciyaarayey Kooxda RC Toulonnais ee dalka Faransiiska.

Muuqaal Video oo uu bishan March 15-dii oo uu ka soo muuqday waxa uu u duceeyey dadkii Muslimiinta ee lagu dilay Toogashadii ka dhacday labada Masjid ee ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Isaga oo aan ilinta iska celin karin ayuu sheegay inuu hadda maqlay warkaasi, isla markaana uusan awoodin inuu Erayo ku soo kobo sida uu dareemayey xilligaasi.

“Waxaan keliya oo u dirayaa Ducadayda (Salaadaha) dhamaan qoysaska Insha Allaah. Qof kasta oo lagu dilay maanta..Insha Allaah,waxaad dhaamaantiina gaheen Jannadda” ayuu yiri.

Wuxuuna sii raaciyey inuu aad uga tiiraanyeysan inay tani ka dhici doonta New Zealand.

Ugu yaraan 50 qof oo Muslim ah ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib, markii uu nin Argagixiso ah oo lagu magacaabo Brenton Tarant galay labada Masjdi ee Al-nuur iyo Linwood ee magaalladda Christchurch, kadibna toogtay dadkii cibaadaysanayey oo ay ku jireen 4 dhallinyaro oo ka yar da’da 18-ka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories