Ciraaq oo qaadaysa Tallaabo ku aaddan khilaafka u dhexeeya Sucuudiga iyo Iiran

Raysal wasaaraha Ciraaq, Mustafa Al-kadimi ayaa gaaray dalka Iiraan ka dib markii uu ka soo laabtay Sucuudiga, iyadoo socdaalkan uu qeyb ka yahay dadaallada dhexdhexaadinta ee Sacuudiga iyo Iiraan.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Boqortooyada Sucuudiga, Al-Kazemi waxa uu Jeddah kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga.

Ciraaq ayaa martigelisay dhowr wareeg oo wadahadal ah oo u dhexeeya labada dowladood ee isku haya gobolka, kuwaas oo aan xiriir diblomaasiyadeed yeelan tan iyo 2016-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor