Ciiddanka Kenya oo sheegtay inay Dagaalamayaal Alshabaab ah ku dileen dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayey ku sheegteen inay 3 Dagaalamayaal Alshabaab ku dileen Is-rasaasayn ka dhacday Tuulladda Buulo Xaaji oo qiyaastii 90-KM u jirta magaallo-madaxda Gobalka J/Hoose ee Kismaayo.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Ciiddanka Kenya iska horimaadkaasi ku qabteen Hal dagaalame, 2 qori oo AK 47 ah iyo mid noociisu yahay SAAR iyo rasaas badan, waa sida hadalka loo dhigay.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel Paul Najuguna ayaa sheegay inuu iska horimaadkaasi oo dhacay habeen hore, xilli ay Ciiddanka Kenya socod ilaalo ah ku marayeen Deegaanku ku yaalla duleedka Kismaayo.

Waxa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan inay taageeraan Hawlgalladda AMISOM ee lagu doonayo in lagu soo celiyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab weli kama hadlin sheegashadda Ciiddanka Kenya, mana jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media