Warbixin ka kooban 247 Bog oo ay soo saareen Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu muujiyey inay Ciiddanka Kenya weli sii wadaan inay door muhiim ah ka ciyaaraan Ganacsiga Sharci-daradda ee Dhuxusha Somalia.
Askarta Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay 2 Dollar ku leeyihiin Loor kasta oo Dhuxul ah oo laga dhoofinayo Dekedda Kismaayo, sida laga soo xigtay ilo ku dhow-dhow Hay’addaha Aan Dowliga ahayn iyo Wershadaha Dhuxusha.
Warbixinta waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Kenya 12 milyan oo Dollar sannadkiiba ka helaan Ganacsiga Dhuxusha.
Ilaa 6 milyan oo Loor Dhuxul ah ayaa sannadkiiba laga dhoofiyaa Dekedda Kismaayo iyo Dekedda Buur Gaabo ee kaabiga ku haysa Saldhigga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin magaalladda Kismaayo.
Taliska AMISOM ayaa la sheegay inaysan weli ka jawaabin Qoraal ay Baarayaasha QM u direen muddo haatan laga joogo 9 bilood, si loo qaado Tallaabooyin lagu joojinayo dhoofinta Dhuxusha iyo in la hubiyo Heshiiska Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in Maamulka Jubbaland iyo Ganacsatadda Kismaayo asaas u yihiin Dhaqaalaha laga helo Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.
Warbixinta waxay kaloo tilmaamtay inuu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe jebiyey heshiiskii Macaash-wadaaga ee la sheegay inay Xarakadda Alshabaab qeybta ka ahayd, waa sida lagu xusay Warbixinta Baarayaasha QM
Dhinaca kale, Warbixinta waxaa lagu muujiyey inay Xarakadda Alshabaab macaash badan ka helaan Gaadiidka Shixnadaha Sonkorta ka soo qaada ee sida Kontoroobaanka loogu daad-gureeyo Kenya.
Warbixintaasi oo Golaha Ammaanka ee QM loo gudbiyey Jimcihii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay inay Xarakadda Alshabaab canshuur ahaan Kun Dollar ka qaadaan Gaadiiddka Sonkorta ee u kala gudba Kismaayo iyo Xuduudka Kenya, waa sida Warbixinta lagu qoray.
Kooxda QM ee Baarayaasha Cunaqabataynta Hubka saaraan dalalka Somalia iyo Eritrea waxay ku qiyaaseen inay Xarakadda Alshabaab canshuurta Ganacsiga Sonkorta ka helaan lacag dhan 18 million oo Dollar sannadkiiba.
©Radio Dalsan