Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegtay inay Ciiddanka ku sugan Gobalka Amxaaradda ee Waqooyiga dalkaasi gacanta ku dhigeen 115 Qori iyo Rasaas fara badan oo si qarsoodi ah looga soo geliyey Xuduudka Sudan.
Sarkaal ayaa sheegay in la qabtay 3 gaadiidka xamuulka oo lagu soo qariyey Hubkaas Kontorobaanka ah,base wax faahfaahin ah lagama bixinin halka loo waday hubkaasi.
Dhinaca kale, Ciiddanka Ethiopia waxay bishan May 17-dii sheegeen inay 350 Bistooladooda ku qabteen Tuulladda Awoore ee Gobalka Amxaaradda oo u dhow xuduudka Suudaan.