HomeWararCiiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dib ula wareegay magaalladda Marka.

Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dib ula wareegay magaalladda Marka.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka waxay barqanimaddii maanta weerar labo jiho ka galeen magaalladda Marka oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay si fudud ku qabsadeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu labada dhinac dhex maray dagaal culus oo la isku weydaarsaday noocyadda hubka fudud iyo kuwa culus. Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka ayaa  la tilmaamay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka waxay barqanimaddii maanta weerar labo jiho ka galeen magaalladda Marka oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay si fudud ku qabsadeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu labada dhinac dhex maray dagaal culus oo la isku weydaarsaday noocyadda hubka fudud iyo kuwa culus.

- Advertisement -

Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka ayaa  la tilmaamay inay guluf ka soo qaadeen dhinaca Jidka Xeebta iyo Waddada kale ee ka timaada Deegaanka Shalambood, waxayna Alshabaab kala kulmeen iska caabin adag, walow ay markii ugu dambeyntii u itaal sheegteen, iyadoo ay Alshabaab ka wada baxeen magaalladda Marka.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Alshabaab dib ugu gurteen magaalladda Marka oo ay shalay si fudud ku qabsadeen, iyagoo aan Hardan Colaadeed u gelin qabsashadda magaalladaasi.

Alshabaab ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen Jidka Jilib-Marka, kadib, markii dagaalkii maanta loogu itaal sheegtay.

- Advertisement -

Ciiddanka Huwanta waxay Fariisimo ka dhigteen goobihii ay 24 saacadood ka hor Alshabaab xaarxaarteen, sida Dekedda Marka iyo Xarunta Maamulka Degmadda.

Dhinaca kale, Maamulkii Degmadda Marka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad-gobaleedka K/galbeed ayaa ku sugan gudaha magaalladda Marka, waxayna Dadweynaha ugu baaqeen inay is-dejiyaan, isla markaana laga shaqeeyo Xoojinta Ammaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Xaallada guud ee magaalladda Marka ayaa haatan deggan, inkastoo ay Dadweynaha ka walaacsan yihiin inuu mar kale dagaal ka dhex qarxo labada dhinac.

©Radio Dalsan     

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts