Ciiddan ka socday dalka Uganda ee Ilaaladda ka hayey Xarumaha ay Hay’addaha QM ku leeyihiin Somalia ayaa la guddoonssiyey Billado Abaal-marin ah, kadib, markii ay dhamaysteen xilli-hawleedkii ay u joogeen Hawlgalka Somalia.
Hadal ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM) ayaa lagu sheegay inay Billado guddoonsiiyeen Ciiddankaasi Ilaaladda ka ahaa Xarumaha QM ee gudaha Somalia.
Ciiddankaasi oo ahaa Unugga 5-aad ee Ilaaladda QM ee (United Nations Guard Units (UNGU) ayaa la filayaa inay dhawaan dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Ciiddankaasi oo ahaa Unugga 5-aad ee Ilaaladda QM ee (United Nations Guard Units (UNGU) ayaa la filayaa inay dhawaan dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Xafiiska Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM), Ambassador James Swan ayaa waxa uu Ciiddankaasi guddoonsiiyey Abaalmarinta Billadaha QM ee Adeegyadda Khaaska (The United Nations Medal for Special Service).
James Swan waxa uu tilmaamay in shaqada ciiddankaasi tahay ee ilaalinta Madaxda iyo Xarumaha QM ku leedahay magaalladda Muqdisho u fududeysay inay QM shaqadooda gutaan, iyagoo taageero ka hela dadka Soomaaliyeed.
Ciiddanka UNGU waxay taageero badbaadin ah siiyaan Shaqaalaha Rayidka ee QM iyo Xarumaha Hay’addaha QM ku leeyihiin gudaha Somalia.