Ciiddamo Soomaali ah oo ka qeyb galaya Dhoolatus Milliteri oo ka dhici doona dalka Sudaan

In ka badan Kun Askari oo ka kala socda 10-ka Waddan ee ka tirsan Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) waxa uu Dhoolatus la xiriira Hawlgalladda Nabad-ilaalinta iyo Ammaanka uga bilaaban doonaa Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 2 isbuuc ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Sudan,Djibouti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, Rwanda, Komoros iyo Seychelles.

Carbiskaasi Milliteri oo loogu magac daray “Mashariki Salaam 2” ayaa la sheegay inuu bilaaban doono bishan  November 25-da, lana soo gebagebeyn doono bisha December 3-da ee sannadkan.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika ee “ The Eastern Africa Standby Force  (EASF) ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka qaadan doonaan Tababaro dhinaca Rayidka, Boliska iyo Milliteriga, si loogu xoojiyo Awoodooda ku adaan inay si degdeg ah uga hawlgalaan goobaha ay ka dhacaan Colaadaha ee  dalalka Bariga Afrika.

Ciiddanka waxaa kaloo la bari doonaa Hawlaha Nabad-ilaalinta, Ka-hortaga Argagixisadda iyo Falalka Tahriibinta dadka ee ka socda Mandiqadda Bariga dhexe.

Muddada uu socdo Dhoolatuskaasi waxaa ka so oqeyb geli doonaa Wakiilo Milliteri oo ka kala socda dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Midwoga Europe.

Tan iyo markii la asaasay Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) sannadkii 2004-tii, waxay Ciiddanku Tababaro Milliteri oo noocaasi ah ka sameeyeen dalalka Kenya, Sudan, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media