Ciiddamo ka tirsan Nabad-ilaaliyaasha QM oo weerar lagu dilay

Ugu yaraan 10 Nabad-ilaalin  u dhalatay dalka Jaad ayaa geeriyootay, 25 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Maleeshiyo hubeysan weerar ku qaadeen Xarun ay Nabad-ilaaliyaasha QM ku leeyihiin Deegaanka AGULHOK oo kat irsan Gobalka KIDAL ee Waqooyiga dalka Maali.

Kooxda Alqaacidada ka dagaalanta Waqooyiga Afrika ee AQIM ayaa sheegatay weerarkaasi, iyagoo sheegay inay kaga soo horjeedaan Booqashadda uu Ra’isul-wasaaraha Israel, Beenjamiin Natayaahu ku joogo dalka Jaad.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu cambaareeyey weerarkaasi, wuxuuna ku baaqay in Maleeshiyadii weerarkaas geystay la hor keeno Sharciga.

Ergauga QM u jooga dalka Maali, Maxamed Saalax Alnadiif waxa uu weerarkaasi ku tilmaamay  fal Dembiyeed nacasnimo oo aad u xun.

QM waxaa dalka Maali ka joogo 12,000 Ciiddan iyo Bolis oo Hawlgal Nabad-ilaalin ah u jooga dalkaasi oo lagu tilmaamo goobaha ugu khatarta badan ee ay Nabad-ilaaliyaasha QM ka hawql-galaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor