Sida aynu ka soo xiganay Idaacadda KFM Radio ee Uganda waxaa la soo dhamaystiray Guutadda Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF ee loo soo daad-gureeyey Somalia, si ay u soo beddelaan Guuto kale oo muddo hal sanno ah ka mid ahaa Hawlgalka AMISOM.
Afhayenka Ciiddanka Uganda, G/sare Paddy Ankunsa ayaa u sheegay Idaacadda KFM Radio ayaa sheegay in lagu guuleystay Hawlgal in ka badan 2,700 Askari loogu soo daad-gureeyey Somalia, iyadoo aysan dhicin wax shil ah.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Duullimaadkii ugu dambeeyey oo ay la socdeen 149 Askari habeen hore ka soo degeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Guutadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, Kolonel Bob Pacieky Ogiki waxa uu Taliyaha horkacayey Ciiddanka cusub, Col. Bernard Tuhame ku wareejiyey Deegaanadda ay Ciiddanka ka hawl-geli doonaan oo ah magaalladda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose iyo Degaanadda ku hareeraysan.
Hawsha Xil-wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciiddanka Uganda ee jooga Somalia, Sarreeye Guuto Sam Okiding.
©Radio Dalsan