Ciiddamo ka kala socda dalal ay Somalia ku jirto oo ka qeyb galayo Dhoolatus Milliteri

Dhoolatuskaasi oo shalay ka furmay Akadeemiyadda Baddaha ee Bandari Maritime Academy ee magaalladda Mombasa, waxaa la sheegay in la soo gebagebeyn doono bisha soo socoto ee August 6-da.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay inuu Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka joogo Qaaradda Afrika (US AFRICOM), Jeneral Stephen Townsend ayaa si rasmi ahaan u furay Carbiskaasi oo ay ka qeyb geli doonaan Ciiddamo ka kala socda dalalka Maraykanka, UK, Hindiya, Somalia, Jabuuti, Tanzania, Madagaskar, Mozambique, Sishilis, Murushiyos, Komooros, Ruwanda iyo Joorjiya.

Sidoo kale, Ciiddanka Badda Europe ee EUFOR, Ururka Boliska Caalamiga ee INTERPOL, Xafiiska QM ee La-dagaalanka Darooga iyo Dembiyadda ee UNODC ayaa iyagana lagu casuumay Dhoolatuska ka dhacayo Xeebaha Bariga Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor